Gabayadii halgamaagii waynaa hogaamiyihii Daraawiishta Seyid Maxamed Cabdullaahi Xasan
Waa gabaygii Xiin Finiin
“Xiin Finiin” oo ahayd faraskii Sayidku berigaa buuraha kaga gudbi jiray oo uu aad u jeclaa ayaa Islaan Faarax Aadan (oo ahaa “madaxa degmada Mudug”) ka codsaday in la siiyo (geenyada) kadib markii Sayidku uu reer Islaan Aadan ka guursaday Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay Islaan Faarax. Sayidku geenyadii Xiin Finiin ahayd wuu bixiyay oo in la xanto (amaba xaraf uu yidhi beenoobo ayuu ka dhiidhiyay oo) waa kii lahaa “Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone.”
1. Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
2. Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
3. Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
4. Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
5. Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
6. Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
7. Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
8. Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
9. Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye
10. Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
11. Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
12. Nin kalaan xafiilaba adaan, xaayda kaa rogaye
13. Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
14. Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
15. Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
16. Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
17. Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
18. Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye
19. Xubna-toosanow neefku waa, xaalad gooniya e
20. Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
21. Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
22. Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
23. Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
24. Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
25. Xayskaa da’aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
26. Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
27. Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito, ka eryoode
28. Xujey-reebta reer Hagar anaan, xabashyadii ruubin
29. Xinjirtooda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
30. Xaaqaa maquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin
31. Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane
32. Xaaraami uun baa arlada, xula abidkiise
33. Wuxuun bay xushleeyan sidii, xabashi Iidoore
34. Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
35. Xashaa-Lillaahiye nin goba, xamasho waw ceebe
36. Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodaaye
37. Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
38. Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye
39. Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye
40. Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane
41. Mar hadduu suldaan igu xillihi, igaga xayddaantay
42. Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.
Dhamaad