Sayid Maxamed Iyo Daraawiishtiisii.

Marka koowaad waxaa mahad leh Allaha awoodda leh. Allaha inna baray qalinka iyo qoraalka. Intaas ka gadaal waxa uu maqaalkani diiradda saarayaa in uu wax uun ka qoro halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Aan si kale u dhigno e, waxa uu isku dayayaa in uu soo tebiyo taariikhdii Daraawiish, inta karaankiisa ah.

Waxaa la oran karaa, oo ay dad badani ku doodi karaan Soomaalidu ummad qoraal ma ahan, in taariikhdeeda lahelaana waa ay adag tahay. Waa ay jirtaa arrintaasi, laakiin taariikhda Sayidka iyo Daraawiishi waa taariikhda kaliya ee qof walba oo Soomaali ahi wax uun ka garanayo. Ugu yaraan qof walbaahi waxa uu og yahay in Ina Cabdulla Xasan, ahaa halgamaa Soomaaliyeed, in badanna ka qayb qaatay gobannimada ummadda Soomaaliyeed.

Taariikh-sheegada Soomaaliyeed iskuma waafaqin warcelinta, wayddiinta oranaysa waa kuma Sayid Maxamed Cabdulla Xasan? Qaarkood waxa ay qabaan in uu ahaa wadaad, mujaahid, halgamaa, gaylan u galay ka saaridda waddankiisa cadaawihii gumaysanayay. Qaar kalena isla wayddiintii bay kaga warceliyeen in uu ahaa, nin dhaca, boobka, iyo dilka caadaystay. Waxaa sababay khilaafka intaas le’eg waxa aynnu ku soo koobi karnaa laba qodob; waa tan koowaad e, raggi Ingiriiska ahaa ee wax ka qoray Sayidka iyo halgankiisii, in badan kama ay run sheegin. Kama run sheegin kaliya maahane waxa ayba isku dayeen in ay in badan beddelaan gabi ahaanteedaba. Tan labaad, ee dhalisay khilaafka ayaa ah; in aynnu nahay innagu {Soomaalida} ummad aan in badan wax qorin, wixii yaraa ee la qorayna haddiiba dhowr qof siyaabo kala duwan u abbaareen khilaaf baa yimid. Haddaba marka aynnu ku eegno indha dhexdhexaad ah, innagoo ka shidaal qaadanayna waxa ay kala muteen Sayidka iyo Ingiriis, eegaynana gabayadiisa iyo dagaalladii uu galay, waxa aynnu isku dayi doonnaa in aynnu gabagabada curiskan kaga warcelinno wayddiintan. Ogowna halgankii Daraawiish iyo gaalo dhexmaray maahan wax curis iyo laba toonna lagu soo koobi karo. Laakiin wax la’aan bay dhaantaa.

Waxa aynnu u kala qaadaynaa saddex qaybood oo kala ah;

  1. Taariikh kooban oo ka hadlaysa Sayidka (aabbihiis, isaga dhalashadiisii, waxbarashadiisii iyo tegiddiisi Xajka.)
  2. Dhowr dagaal oo ka mid ah dagaalladii ugu waawaynaa ee, ay galeen Daraawiishi
  3. Burburkii Daraawiish iyo dhimashadii Sayidka.

 

TAARIIKHDII SAYID MOHAMED CABDULLE XASAN

Taariikh-sheegihii waynaa ee, Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu buuggiisa (Taariikhdii Daraawiishta iyo Maxamed Cabdulla Xasan) ku yiri sidan.

“Taariikh aan la xasuusanayn, cidina sheegi karin ayaa Shiikh Xasan Nuur, oo Sayid Maxamed awoowgiis ahaa ka tegay gobalka Qallaafo, oo ah dhulka Wabi Shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beesha uu ka dhashay degganayd. Waxa uu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan, duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolan karay, culimmaduna had iyo jeer u xoolo doonan jireen.

Shiikh Xasan, markii uu Nugaal mudda joogay oo dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxaa gashay hawo guur, dabadeedna waxa uu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu sheegay Khadiija Jaamac. Shiikhu waxa uu Nugaal ku guursaday afar dumar ah, oo u dhalay carruur badan. Carruurtaa tiradooda waxaa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 hablood. Waxa kale oo la wariyaa in Shiikh Cabdulle, oo Sayid Maxamed aabbihiis ahaa caruurtaas u waynaa. Shiikh Cabdulle waxa uu ku dhashay sida la wariyo dooxada la yiraahdo <Casuura> oo magaalada < Laascaanood> dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hillaaddii dhowr iyo soddon mayl. Waxa uu ku koray diintana ku bartay gobalka Nugaal. Dabadeedna reerkiisii waxa uu nuqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxaa la wariyay Shiikh Cabdulle, isaga oo 26 jir ah in uu guursaday gabadha la yiraahdo Timiro Seed Magan, kuna can baxday “Carro Seed”. Waxaa ay u dhashay 10 carruur ah. Waxaana u waynaa Maxamed, ha se yeeshee Shiikh Cabdulle, caruurtiisa waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad soddomeeyo. Shiikh Cabdulle, Daraawiish dhismaheeda waa ka qayb galay, dagaallada badankodiina waa ka tala galay. Waxa uuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta <Taleex> sannadkii 1913.

 

Maxamed Shiikh Cabdulle Xasan, waxa uu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ama Laaso oo ah degmada Buuhoodle, balliga la yiraahdo <Sacmadeeqo> oo magaalada Buuhoodle toddoba mayl u jira, kana xiga dhinaca waqooyi. Waxa uu dhashay guga la baxay <Gobaysane>, waxaana la sheegay in uu ahaa gu’ barwaaqo ah, oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaadeen.  Waxa uuna dhashay abbaaraha markii ay taariikhdu ahayd 1856-dii. In kastoo rag badan oo Daraawiishta wax ka qoraa yiraahdaan, waxa uu Sayidku dhashay 1864, ha se yeeshee taa Daraawiishi waa diidday. Daraawiish badankeedu waxa ay yiraahdaan, saddex meelood ayaa uu Sayid Maxamed, Nebiga (NNKH) kala mid ahaa; waa magaca, da’da iyo jihaadka. Waxa uu ku koray Sayidku Nugaal, dadkooduna waxa uu ahaa xoolalay daaqsato ah. Sidaas daraaddeed waxa aynnu oran karnaa Sayid Maxamed carruurnimadiisii xoolo-raace ayaa uu ahaa. Sidii dhaqanka Soomaalidu u badnaa, ama sida qoyska Sayid Maxamed hiddo iyo dhaqan u lahaa, toddoba jir baa qur’aanka loogu bilaabay. Macallinkii Qur’aanka u dhigi jiray, waxaa lagu naanaysi jiray (Kud-Quraan).

Maxamed 10 jir ayaa uu Qur’aanka ku dhammeeyay. Wiilnimadiisa waxaa lagu sheegay in uu ahaa nin fahmo badan firfircoonna. Ka dib, markii uu Qur’aanka dhammeeyay Maxamed aabbihiis waxa uu u bilaabay kutubta cilmiga ah, taasina waxa ay dhalisay in culimmada xerta ah ee kutubta raacanaysa uu la fariisto, markay degmada marayaanna raaco oo la socdo. Gadaalkiina xertii buu ka mid noqday, taasina waxa ay dhalisay in loogu yeero Aw-Maxamed Shiikh Cabdulle. Magacaasi waxa uu u kordhiyay xurmo iyo sharaf gaar ah, oo uu ka helay diinta xaggeeda.

Waxaa la wariyay in uu cilmiga ka bartay Shiikh la oran jiray Shiikh Abokor Shiikh Ibraahin laguna naanaysi jiray (Abokor Fool-Dheere), oo degmadiisu ahayd dhinaca waqooyi ee Wabi Shabeelle. Sayid Maxamed ayaa eegay ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisa layaabay oo waxa uu yiri, “Cilmiga Abokor Fool-Dheere ayaa buuxin lahaa”. Meel kasta cilmiga ha ka barto, cidduu rabana ha ka barto e, waxaa hubaal ah in Sayid Maxamed diinta Islaamka iyo afka Carabiga aad u yaqaannay, markaasna waxa uu la baxay, Shiikh Maxamed Shiikh Cabdulle.

 

 

 

TEGIDDIISII XAJKA

 

Waligeedba waxa ay ahayd caado Soomaalidu lahayd in ninka wadaadka ah iyo ninka bulshada dhexdeeda magac ku leh ba in uu tago Xajka, walina dhaqankaasi waa uu jiraa. Sidaas daraaddeed markii uu Sayid Maxamed tira soddonaad ku jiray waxa uu u socdaalay dalka Xijaas, si uu Xajka u soo guto, diintana u soo kororsado. Raggii ay isku raaceen Xajka waxaa ka mid ahaa; laba abtiyaashiis ah, Xaaji Aadan Seed iyo Obsiiye Seed. Waxaa lagu sheegay tirada ragga ay wada socdaaleen Sayidka 13 nin. Qaarkood waxa ay ku dhinteen Maka iyo Maddiina, qaarkoodna jihaadkii ayay ku dhinteen.

Shiikh Maxamed haddii u Xajka gutay, waxa uu isku dayey in uu culimmada Maka joogta cilmiga ka kororsado. Waayadaa ninkii Xaramka soo gala inta uu doono ayaa uu joogi jiray, dabadeedna culimmo badan oo reer Maka iyo qaar waddama kala duwan ka soo xajiyayba waa ay is barteen.

Arrinta inta bedan beryahaas laga hadlayay Shiikh Maxamedna dhegahiisa ku badatay waxa ay ahayd; daagaalkii ka socday Soodaan, oo uu Maxamed Al-Mahdi ammaanduulaha ka ahaa. Culimmo badan oo dariiqooyin kala duwan haysta oo had iyo jeer dagaalka iyo fadligiisa faalleeyana waa ay joogeen. Intuu halkaas joogay Sayidku waxa uu had iyo jeer uga qayb geli jiray fadhiyo lagu qaban jiray Masjidka Sayid Maxamed Saalax, oo reer Soodaan ahaa, dariiqada Saalixiyana abuuray. Dabadeedna Shiikh Maxamed Saalax baa lays bartay iyo xertiisii, taasi waxa ay sababtay in uu u riyaaqo dariiqada Saalixiyada, oo ahayd laan ka mid ah dariiqada Axmadiya. Sidaas ayaa uunu ku qaatay dariiqada Saalixiya, Shiikh Maxamed Saalaxna fadhiyo gaar ah bay wada qaateen ay uga hadlayaan sidii dariiqada loogu gudbin lahaa ummadda Soomaaliyeed. Laba sano haddii uu Xajka joogay Sayidku, amarna ka helay Shiikh Maxamed Saalax ah, in uu dariiqada dhulka Soomaalida gaadhsiiyo. Waxa uu ku soo laabtay dhulkii hooyo, halkaas oo uu ka gaaray jagada ugu sarraysa ee xagga diinta marka la joogo Soomaalida dhexdeeda taas oo ah; Macallin, Aw, wadaad, Xaaji iyo Shiikh.

 

Shiikh Maxamed waddanka waxa uu ka soo galay magaalada Berbera oo ahayd magaalo ganacsi, muhiimna u ah Badda Cas. Waxaa la sheegay markii uu dekedda ka soo degay in nin Ingiriis ahi yiri, “Keen cashuur haddii kale alaabtaada qaadan maysid.” Shiikhu arrintaas aad ayaa uu ula yaabay waxa uuna ugu war celiyay, “Adiga yaa kaa qaday cashuur? Midda kale ma adaa leh waddanka?” Ninkii gaalka ahaa aad buu u xanaaqay waxa uuna damcay in uu xidho, ha se ahaatee tarjumaankii iyo niman kale oo dekadda ka shaqayn jiray baa kala hadlay oo ku yiri, waa wadaad waalan e. Dabadeed gaalkii isaga oo Shiikha layaabsan ayaa uu faraha ka qaaday.

 

DAGAALLADII AY GALEEN DARAAWIISH

Inta aynnaan ka hadlin dagaallada waxaa muhiim ah in aynnu is wayddiinno Sayidka iyo xertiisu yey la dagaallamayeen? Maxaa ay u dagaallamayeen? Su’aalaha noocaas ah waxaa iska cad badi Soomaalidu in ay ka dheregsan tahay. Sayidku waxa uu la dagaallamayay gaalo dad iyo dalba ku soo duushay. Gaalo ku tashatay in ay qaadato dhulkan iyo waxa dul yaalba, xisaabtana aanba ku darsan in cid ka hor iman karta qorshaheeda wakhtigaas Soomaali ku dhexjirto. Waxaa qolooyinkaas ka mid ahaa; Ingiriis oo ahaa kan dagaallada ugu badani ay dhex mareen isaga iyo Sayidka, waxaan isaguna aan meesha ka maqnayn Talyaani, waxaa isna qayb libaax leh ka qaatay hagardaamooyinka Daraawiish iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Xabashida iyo boqorkoodii Minilik, kaa soo xidhiidh dhow la lahaa Ingiriis.

Sayidku haddii uu ka baxay Bebera, ka dibna sii maray dhul badan, aakhirkina tegay Nugaal, halkaas oo uu markii danbe uga bokhoolay xera Ogaadeen sababa jiray owgood. Sababahaas waxaa la oran karaa waxaa ugu waynaa dilkii Garaad Cali; Garaadku waxa uu ka talin jiray Nugaal, waxa ayna isku waafaqi waayeen isaga iyo Sayidku talada gobolka. Isku dhacaas oo jira ayaa waxa ay taariikh-wariyeenku sheegaan in Garaadku waraaqo u diray Boqor Cismaan oo Boosaaso ka talin jiray iyo Ingiriis, sidaas ayuuna ku xujoobay oo lagu dilay. Madaama Garaad Cali awood wayn ku lahaa gobolka, Sayidku waxa uu ka baqay in lagu kaco, oo uu khilaaf hor leh wajaho, sidaas darteed buuna ugu guuray Ogaadeen.

Inta taariikhdu wariso dagaalkii u horreeyay ee ay Daraawiish gasho waxa uu dhexmaray Daraawiish iyo Xabashi, waxa uuna ku dhex maray Ceelka Jigjiga, hillaaddii 1900.

Sayidku waxa uu ahaa nin aftahan ah, siyaasi ah, sida dadka wax loogu sheegana aad u yaqaan, waxa uu intaas waday gubaabo, wacyi galin iyo in uu ummadda kiciyo, ugana digo hagardaamooyinka gumaystaha carruurtooda gaalaysiinaya.

 

Waxaa la wariyaa in bishii Sebtembar 1900, uu Sayidku waraaq digniin ah u diray Ingiriis, waraaqdaas oo macnaheedu Af-Soomaali ku noqanayo sidatan;

“Waxa aan ku ogaysiinayaa in aad wax kasta oo aad rabteen samayseen, diintayadii qaddiimka ahaydna waad cadaadiseen, sabab la’aan. Teeda kale, waxa aan idin ogaysiinayaa in dadka idin raacsani yihiin beenaalayaal iyo fidmo wadayaal. Haddaba kala doorta, haddii aad dagaal doonaysaan waa aannu ogolnahay laakiin haddaad nabad doonaysaan sedo bixi.”

 

Goobihii dagaalladu ku dhexmareen Ingiriis iyo Daraawiish waxaa la sheegaa in ay ahaayeen 42 ku dhowaad. Dagaalladaas waxa ka mid ahaa;

  1. Af-Bakayle
  2. Fardhiddin
  3. Beerdhiga
  4. Cagaarwayne (Gumburo)
  5. Ruuga

Waxa aynnu halkaan ku xusi doonnaa dhowr ka mid ah dagaalladaas, haddii Alla idmo. Ingiriisku waa arkayay in Sayid Maxamed soo wado wax aysan jeclaysan doonin, sidaas daraaddeed bishii Noofember 1900 ayaa baarlamaanka Ingiriiska waxaa laga gooyay in nimankaas khatarta ku ah danaha Ingiriiska la dabargooyo.

Af-Bakayle

Af-Bakayle waa goobtii ugu horraysay ee Daraawiish iyo Ingiriis dagaal ku dhexmaray 1901, bishii Juun 3-deedii ayaana dagaalkaasi dhacay. Waxa uu ka dhacay meel balli ah oo Laascaanood 45 mayl u jirta, kana xigta dhinaca galbeed. Balligaas waxaa berigii hore la oran jiray Af-bakayle, hase ahaatee tan iyo maalintii dagaalkaasi ka dhacay waxaa loo bixiyay Haradhiig.

Colka uu maalintaas Ingiriis soo diray waxa ay isugu jiren, Caddaan, Hindiga Banjaabta la yidhaahdo, Soodaan iyo Soomaali. Dadyowgaasi waxa ay ubadnaayeen kuwii markaas Ingiriisku dhulalkooda gumaysanayay. Dagaalkaas waxaa ciidammada Ingiriiska ammaanduule u ahaa gaashaanle dhexe Swayne, berigii danbe ninkaasi waxa ay Daraawiishi u bixisay Swayne-Cawar. Ingiriisku waa uu ka hub iyo saanad badnaa ciidammadii Daraawiish, waxaana ku tala galkiisu ahaa in uu aroorya horeba ku baabi’iyo wadaadka iyo xertiisa. Daraawiishi hub badan ma wadan dabka ay wateenna intiisa ugu badan waxaa laga qaaday Xabashi, dagaalkii Jigjiga ee dhacay 1900.

Dagaalku waxa uu bilowday oo si toos ah laysku hor fariistay bishii Juun 3-deedii 1901, goor barqo ah. In kastoo laga badnaa lagana hub, ciidan iyo saanad badnaa haddana Daraawiishi ma gabban, dhimashana kama baqayn waayo: haddii uu dhintana Jannaad heli buu lahaa, haddii kalena waddanka gaal ko xoray baa hal beeg u ahayd. Maalintaas dhimasho iyo dhaawac aan yarayn baa soo gaaray labada dhinac ba. Aw Jaamac Cumar, waxa uu buuggiisa ku yidhi sidatan;

“xogwarran Ingiriisku qoray waxaa lagu sheegay in Daraawiish goobtaas khasaaraha ka gaaray ahaa 200 oo laga dilay iyo 300 oo laga dhaawacay, ha se ahaatee Daraawiish waxaa laga hayaa ragga dhintay 50 kama badnayn.”  Goobataasi waxa ay ahayd goobihii uu Ingiriis ku ogaaday awoodda Daraawiish. Goobtii labaad ee Daraawiish iyo Ingiriisku isku farasaareen [Fardhiddin], waxaa la sheegay in Daraawiishi ku gacan sarraysay, In kastoo Ingiriisku goostay in uu Daraawiish gaado haddana waxaa la wariyay in Daraawiishi maqashay duullaanka ku soo socda. Fardhiddin waxa ay dhacdaa Hawdka u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood. Dagaalkaasina waxa uu dhacay 16-kii Luulyo 1901.

CAGAARWEYNE

Goobtani waa goobtii afraad ee goobaha dagaallada waa wayni ku dhexmareen Daraawiish iyo Ingiriis. Goobtan waxaa la sheegaa in ay tahay goobtay sida fiican uga adkaadeen Daraawiishi Ingiriis, miyey uga adkaadeen mise waaba la madhiyay maalintaas Ingiriis? Cagaarwayne waxa ay dhacday 16-kii Abriil 1903. Dagaalkaas sida dagaalladii ka horreeyayba waxaa Daraawiish la dagaalamay ciidammo waddamma kala duwan ka soo jeeda, Daraawiishise dan kama gelin, oo dhegtaa dhiigga loo daray gaalkii iyo gaal-kal-kaalkii. Dagaalkaas waxaa la sheegaa in ciidammadii Ingiriiska kaliya lix nin oo badqabaa goobtii ka laabteen.

Khasaarada baaxadda leh ee soo gaartay isaga oo ka hadlaya H.F.Pervois Battersby, waxa uu yidhi, “Si fiican markii ay u dagaallameen ayaa ciidammadii Ingiriiska laga adkaaday, iyada oo ay ugu wacnayd rasaastii oo ka dhammaatay, waxaa ka fakaday 41 nin oo kaliya, oo ciidanka Kornayl Cobbe ku soo biiray, kuwaas oo lix nin maahane inta kale ay dhaawac ahaayeen; khasaradayadu waxay ahayd siddeed sarkaal oo Ingiriis ah iyo 200 oo nin in ka badan.”

Si kasta goobtaas Ingiriisna hoog iyo ciil bay u ahayd, Daraawiishna qaniimo iyo guul wayn bay goobtaas kala laabatay.

JIDBAALE

Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis isku fara saareen. Waxa ay ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda, ceel Laascaanood waqooyi ka xiga, waxa uuna dhacay 1903-dii.

Ingiriis goobtaan waxa uu haystay hub aad u culus Daraawiishina aysan u babac dhigi karin, waxa ayna talo ku gaareen in ay boholo ku dhuuntaan, nin Soomaali ahaa oo Ingiriiska la socday ayaa talo ku bixiyay in Daraawiishta loo diro ciidan yar oo soo xabbadeeya, deedna joogi maayaane markii ay soo baxaan hubka culus ee rakiban lagu gumaado. Taladaasi waa ay meel maraty, oo sidii bay u dhacday, in kastoo dagaal adag la isaga hor yimid haddana goobtaas Ingiriis ayaa libtu ku raacday.

Daraawiish iyagoo ciil iyo cadho ka muuqato waa iyagii hiifayay ninkii talada lahaa lagu jebiyay:

Allow Cawke Jabane gallow, Allow jabi adiyo jaalkaa

Calool-dibi-low ciqaab aragtaye, cadaabna ma kuu danbeeyaa!

 

RUUGA

Iyada oo Daraawiishi nabad ahayd oo dhulkana aad loo deggan yahay ayaa Sayidku saddex warqadood diray; mid waxa uu u diray ina Raas Makaahiil [ninkii Muslimka ahaa, ee Minilik abtiga u ahaa, Minilikna boqornimada ka dhaxlay], waxa uuna u sii dhiibay fardo haddiyad ah, warqadna waxa uu udiray qoladii Turkiga ee joogay magaalada Cadmeed xaggeeda kore, warqadda saddexaadna, waxa uu u diray Boqor Cisman. Warqadahaasi dhammaantood waxa ay daarraayeen in cadowga hal meel looga soo wada jeesto. Markii uu Sayidku warqadahaas diray waxaa 40 rati u soo diray ina Raas Makaahiil, oo dhar, xariir, rasaas iyo alaab kale oo badanba wadda. Awrtii wax lasoo wadaba waxaa la keenay meel layidhaahdo Qalqallooc, meeshaas waxaa joogay Khaliif Shiikh Cabdulle [Sayidka walaalkii], halkaasaa awrtii lagaga guddoomay, nimankii waday iyo fardahoodina dib loogu celiyay. Mudda markii ay awrtii halkaas joogtay waa la soo raray waxna waa lagu soo daray waxaana loos oo jiheeyay xaggaas iyo Taleex.

Awrtii oo meel dhexe maraysa ayaa niman Ingiriis ah oo Qalqallooc fadhiyay ogaadeen, dabadeena inta ay fardahoodii soo kaxaysteen bay awrtii dhaceen. Sayidkuna waa la socdaa in awrtu jidka ku soo jirto. Rag ayaa ka fekaday oo Taleex gaaray, deedna Sayidkii iyo ciidankiiba war geliyay.

Daraawiishi arrinkaas aad bay uga xumaatay, Sayidkuna aad ayaa uu u cadhooday, waxaa la sheegaa maalintaas Sayidku isagaa hubka gacantiisa ku qaybiyay, awalse dadbuu diri jiray, taasina waxa ay ku tusinaysaa inta xanaaqiisu gaadhay maalinkaas. Aan is xasuusinno in Ingiriiska iyo Daraawiish falkaasi markii uu dhacayay ay ballani u taallay. Sayidku arag in Ingiriis ballankii ka baxay. Ciidan afar madax ah ayaa maalintaas la diray, wax badan bay ka dhaceen dadkii Ingiriiska taabacsanaa. Koofil, oo markaas deggenaa meel Shiikh ku dhow, ciidan bandanna aan haysan, ayaa qaylo dhaantii gaartay, isna waa uu soo gurmaday. Sidaynu horay usoo sheegnayba ciiddanka Daraawiishi maalintaas afar madax buu ahaa, kii koobad ayay Koofil madaxa is dareen waxbase ka tari waa, kii labaad ayaa galay kaasaana jebiyay, halkaasaa laba ciidan ka laabteen iyaga oo nabad ah. Halkaas ayaa Koofilna ku dhintay iyo raggiisiiba. Waxaa dhacdadaas lagu xasuustaa gabaygii u ka mariyay Ismaaciil Mire; kaas oo xog warran ahaa, uu kaga warramayay dagaalkii iyo arrimihiisii. Koofil gacantiisi bidix oo faraskii Ismaaciil qoorta loo surayna Sayidka la hordhigay, markaasaa Sayidku yidhi, “Ismaaciiloow dadka uga warran siday wax u dhaceen.”

Waxaa uu gabayga ku sheegayaa, sii socodkoodii halkay sii mareen iyo meeshii ay ku sii hakadeen, isagu doorkii uu ku lahaa, dagaalkii sidii loo galay, waxa uu sheegayaa waxa ay meesha ka heleen oo geel iyo qaniimo ahaa, waxa uu sheegayaa isagu waxa uu ka helay qiimaha, waxa uuna ugu danbaysiiyay faraskii uu maalintas ku dagaalamayay.

  1. Annagoo Taleex naal jihaad, taladi soo qaadnay
  2. Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatey neef doora
  3. Sayidkeennu tii uu na yiri, Torog ku heensaynnay
  4. Shakadaha intuu noo tebbedey, noogu tacab qaybi
  5. Illaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuumi

 

  1. Wareegada rag baa waxay tewali, yaan wax kaa tegine
  2. Annana tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
  3. Sibraar caana geel loo tabcaday, talax ku sii maallay
  4. Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
  5. Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha raacnay

 

  1. Habeenkii fardaha waw tudhnaye, taag ku sii mirannay
  2. Tun biciida lagu qoofalyow, xamashka loo taabay
  3. Talaaduhu markii ay dhaceen, talalay oo reemay
  4. Tixda gabayga goortaan akhriyey, toose niman jiifay
  5. Tiraabkaygu meeshuu ka baxay, la isku soo tuumi
  6. Salaaddii markii aan tukannay, yaarka kaga taagnay
  7. Togga Ulasameed dooyadii, horay u tuuryeynay
  8. Intay timacad noo soo arkeen, marada noo taage
  9. Annaguna jihaad kama tagnee, tiimbad ugu roorray
  10. Sengeyaal tabaadiyo galool, weerarka u tooxnay

 

  1. Tiiraanyo ololkii dhulkii, Taani naga qaaday
  2. Tallaa’ayda qaylada Berbera, tahan la weydaari
  3. Taambuuglayaashiyo kuway, tebeysey soo gaadhe
  4. Teysaha gugii oo hanqadhay, tininigtii yeedhay
  5. Talaxumada awrkuu u xidhay, baqe tarraarsiinnay
  6. Gildhigaanka meeshuu turqaday, lagu tunsii geela

 

  1. Tirsan mayno uunkii tirmiyo, tulushle Iiddoore
  2. Gaaladu waxay tacab lahayd, taabnay galabtaase
  3. Maadhiin turaabtaa ka badan, tuurta kaga qaadnay
  4. Tukihii intaan niman u wadhay, tobanle soo qaatay
  5. Gebagebo u tooxnoo Kufriga, maarre kaga teednay

 

  1. Tafwareeman maynine intaan, tubay ku aanshaaday
  2. Galabtaa carraabada ku nimid, turugga Buuhoodle
  3. Habeenkaa ninkii tamar lahaa, tarantarree gaadhka
  4. Habeen kale taxaashay Nugaal, Godan u tuuryeynay
  5. Habeen kalena tuuraha Cadduur, toolin kaga maallay
  6. Habeen kale Tagaabeeye iyo, tu’innay Hayllaawe
  7. Habeenkanna Dariiqada tubnoo, toosan lagu qaybsay

 

  1. Toban gool tabaadiga dhigiyo, toban unuun gooyo
  2. Iyo toban tiftii hore rimoo, taani lagu qooqshey
  3. Iyo toban abeer tawllahoo, tixinka qaalmooda
  4. Iyo toban irmaanoo aniga, la igu taageeray
  5. Iyo taan eryoon jirey markay, tubantehey joogto
  6. Been laguma tookhiyo afaan, taabud noqoneyne
  7. Intaa Xarunta waan tubay xaqaa, lagu tanaadaaye
  8. Warka Tuurre waa laga hayaa, taniyo Iimey e
  9. Waa Xamar tarraara oo misana, taab ku sii daraye
  10. Taltallaabsigiisiyo kabtiga, tabo kolow dheere
  11. Anigana tis bay galay intaan, col ugu taagnaaye
  12. Tuludna uma godlaan reeruhuu, tawl ka saanyadaye
  13. Tafantoofka gaalkuu u dilay, waa tix geliyaaye
  14. Suldaan Ruumna loo tebi inuu, tuuladii gubaye
  15. Tima soohanlow Eebbahay, kuma tabaaleeyo.

 

BURBURKII DARAAWIISH IYO DHIMASHADII SAYIDKA

Iyada oo Daraawiishi xarunteedii Taleex ka guurtay, degtayna meel la yiraahdo Mirashi, oo Jiidali 7 mayl u jirta. Wakhtigaas (1919) Ingiriisku waxa uu maleegayay qorshayaal badan oo uu damacsanaa in uu ku soo afjaro wadaadka iyo Daraawiish gabigeedba. waxa uu Ingiriis marakan soo diray ciidan saddex madax ka kooban;

  1. Ciidanka badda oo ka koobnaa saddex markab oo xarbi ah.
  2. Ciidan cirka oo ka koobnaa siddeed dayuuradood.
  3. Ciidanka dhulka oo saddex madax u qaybsanaa.

Ingiriisku waxa uu adeegsaday xeelado badan si uu u jabiyo Daraawiish, waxaa la sheegay in uu magacyo Daraawiishta ah inta uu warqad ku soo qoray dabadeedna faafiyay. Warqadahaasi waxa ay warinayeen ciddii nimankaas soo disha in lacag abaalgud ahaan loo siin doono.

21-kii, 22-kii iyo 23kii ayaa dayuuradiihii weerareen xaruntii Daraawiishi ammintaas taallay ee Jiidali iyo mirashi. Dhibaatooyinkii ay gaysteen waxaa ugu sii darnaa in xoolihii arlada joogsan waayeen, kana dideen guuxii diyaaradaha. Sayidka iyo boqollaal Daraawiish ah oo goor subax ah fadhiya meel xaysin ah oo daar laga dhisayay ayay bamkii koowaad ku tureen. Nin la taliye u ahaa oo dowladda Turkigu u soo dirtay ayaa Sayidka ku yidhi, “Sayid waa diyaarade inna ka kici Meesha.” Dad badan baa halkaas lagu laayay waxaana ka mid ahaa Af-Qarshe iyo Sayidka adeerkiis (Caamir Cagoole). Dayuuraddii labaad Daraawiishi waa soo ridday, oo waxa ay ku soo dhacday Ceel-dheere.

Sayidkii iyo raggii gaadhka ka ahaa waxa ay galeen godka Xeela.  Mar danbe se Sayidka iyo Daraawiish intii hartay Xeela waa ay isaga baxeen ka dib markii ay ogaadeen in ciidankii dhulkuna u soo dhow yahay. 2-dii ama 3-dii Febaraayo ayaa Sayidka iyo intii la socatay Taleex gaadheen. 4-tii Feberaayo ayaa dayuuradihii Ingiriisku Taleex duqaynta ku bilabeen. 7-dii Febaraayo 1920 ayaa Taleex gacanta Ingiriiska gashay. Sayidku waxa uu dadkii qaxayay habeenkaas dhex socdaba subaxii ayaa uu dhinaca galbeed uga bayray, isaga iyo koox Daraawiish ahayd. Maalintaas dad badan baa halkaas ku le’day, Daraawiishina waa ku hoobatay.

Waxa ay Daraawiishi sii socataba waxa ay gaartay Iimey, halkaas ayaa la isku afgartay in laba qalcadood oo dagaal laga dhisto, iyada oo taas howsheedi la wado ayaa subax Sayidku laba nin kaxaysatay oo waxa uu tegay meel wabiga jiinkiisa ah, labadii nin oo goynaya geed Siiq ah, si daarta loogu qori saaro. Sayidka xanuun ayaa ku soo booday in kastuu is adkeeyay haddana gadaashii aqalkiisii buu ku soo laabtay. Nimanki gaadhka ka ahana waxa uu amray in aan loo iman. Hayeeshee duhurkii dabadiis ayaa uu u yeeray laba gabdhood oo walalaalihiis ahaa, una sheegay in uu xanuunsanayo. Habeenkii ayaa uu iska diray hablihii oo yidhi, “iigu yeera Abshir Dhoorre.” sida la wariyayna Abshir Sayidka nafba uguma tegin.

 

Gabagabadii Sayidku sidaas ayaa uu ku god galay isaga oo aan gumaysi gacanta u galin. Haddii aynnu u garnaqno dadkii aynnu qormadan bilowgeeda ku soo sheegnay, ee qaar lahaa Sayidku dhacaa dilka iyo boobka ku can baxay buu ahaa, ee uu hoggaaminayay Ingiriis iyo kuwii ka soo horjeeday ee lahaa waxa uu ahaa mujaahid u halgamay danta dalkiisa iyo dadkiisa, aynu u garqaadnee Sayidku yuu ahaa?

Haddii an isku dayno in aynnu ka wercelinno wayddiintan, waxa aan si aan gabbad lahayn u taageeraynaa qolyaha danbe; Sayidku waxa uu ahaa halyay ummadda Soomaaliyeed soo maray, kaas oo ka biyo diiday gumaynta dalka, dadka iyo diinta. waxa uu ka soo horjeestay cadaawe ay adag tahay in nin ama kooxiba ka soo horjeesato.

 

Alla ha u naxariisto Sayidka iyo dhammaan Daraawiishba. Waxa aan Iyana doonayaa in aan halkaan uga mahadceliyo, maamulka Garanuug, oo runtii aan aamminsanahay in ay wax badan qabteen, waxa aan isagana aan la ilaawi karin runtiina u baahan in in badan la xuso taariikhyahankii waynaa ee, Aw-Jaamc, oo aan inta ugu badan taariikhdan ka soo xigtay, isagana Alla qabriga ha u nuuriyo.

TIXRAACA

Aw-Jaamac Cumar Ciise (Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1976)

Barnaamijka tixmaal (lagu waraystay taariikhyahanno)

Maqaallo lagu daabacay baraha bulshada.

Fadli Bashiir Diiriye

About admin

Check Also

Spring Fashion Show at the University of Michigan Has Started

We woke reasonably late following the feast and free flowing wine the night before. After …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *