Ingiriisku wuxuu isku dayey inuu Sayid Maxamed si walba ula dagaalamo. Dhinaca diinta, dhinaca qabyaalada, dhinaca siyaasadda iyo dhinac kasta oo suuragal ah wuxuu Ingiriisku ku dadaalay inuu Sayidka ka weeraro.
Isagoo isticmaalaya daacaayad iyo niman Soomaali ah oo gabya ayuu Ingiriis wuxuu Sayidka ku cambaareeyey inuu yahay hoggaamiye nacab ah, laayaan aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn iyo xaabaqaad ah aan xataa maal agoomeed dhaafaynin. Dacaayadda noocaa ah oo dabcan been iyo huuhaa iska ahayd wuxuu Ingiriisku ku faafin jiray gabayo ay tiriyaan rag dhawr ah oo halgankii Daraawiishta giniga Ingiriiska ka doortay. Raggaa waxaa ka mid ahaa Cali-dhuux Aadan Goroyo, Cali Jaamac Haabiil iyo kuwo kale.Halka maanta meel walba la soo dhoobay Media ama saxaafad ah “Fadlan Lacag ku shubbo” si loo jahowareeriyo ummmada Somaliyeed looguna takri falo Diinteeda iyo Deeqda dalkeeda ceegeegta.
Sayidka naftiisu noocyada dagaalka, af iyo adinba, maahir ayuu ku ahaa, daacayadda Ingiriiskana mid lid ku ah oo ka lugo badan ayuu ka horgayn jiray. Siduu Cabdiqaadir Xirsi Yamyamba u yidhi: “haddii ay ku moosaan, kartaa laysku muujaa” Sayidku karti ayuu isku muujiyey wuxuuna ku guulaystay inaan cadowgiisu qeexin shaqsiyadiisa ee uu isagu Soomaali isbaro isagoo gabay, wadaniyad, diin aqoon, cabsi Alle, hoggaamin siyaasadeed iyo mid dagaal iyo gacan furnaan aan caadi ahayn isku darsaday.
Gabaygan hoose wuxuu ka mid yahay gabayada uu Saydiku isku keen baray, kagana hortagay dacaayadii Ingiriiska ee xaqdaradda ahayd. Wuxuu yidhi:
Nin Illaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan, kala allaaweynin
Oo aan inkirahayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin
Nimaan diinta aafo u geleyn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askaraynnaynin
Nimaan abuurka Soomaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakooneynin
Nin jahaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh
Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan, lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, saw islaan ma aha?
Shir aguugay waayeel abyamay, tala ashaaddowdey
Irda jiqa albaabo isku xidhan, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay
Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaygu loo saaro
In kastoo ayaan iyo ayaan, lagu aloollaado
Ninkii maalintaa ka aarinsha, aaqil sow ma aha?
Uu uuda qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sengootida ilwaadda leh haddii, agabta loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, xamar abraaraayo
Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantii isaaya la dhaco, idil dagaalkeeda
Maantii fuluu naga ordoo, alabasoo rooro
Maantii raggaan loo ileyn, naga ugaadhoobo
Mantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?
Nimaan edebdarrooneya xil, waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan, kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
Abuu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan, iriq u dheeraynin
Addoomaha Ilaahy nimaan, kala irdhaynaynin
Ninkii aamusoo shib ah haddii, eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaaja awawgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeedhyo soor lagu akhtimay, eber ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
Intuu aqalka baanjiyonimaan, aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan, aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo, ilaxidhkow jiidan
Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, ikhyaar maaha?
Adhi badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unnun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya
Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxidh loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo khayli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami
Nasteexiyo wanaag iyo ninkii, ilindi kuu keenay
umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya
Ninkii maalintaad iillaan tahay, aana kugu qaataa
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?
Gabaygan Sayid Mxamed ayaad u malaysaa in maanta la tiriyay la mariyay iyo xaalka Somaliya sida maanta yahay.
Maanta oo Shalay u eg!!.